| Front Page | About me | Baro diinta | SomaliNews | Best Links | Suugaanta | Matxafkayga | Hiwaayadda | Talo-bixin | Saxiix diiwaankayga | Eeg diiwaankayga

Other Main Links!


Foolow's Homepage:

FOOLOW' S HOMEPAGE!

BISMILLAAHI ... Walaalayaal ku soo dhawaada bogga FOOLOW oo hadda ku soo biiray golaha internetka...Wasalaama calaykum! Waa walaalkiin Cabdirashid oo idin leh kulanti dambe oo xiiso leh... waadna mahadsan tihiin!

  • BISMILLAAHI RAXMAANNI RAXIIM!
  • ASALAAMA CALAYKUM.
  • KU SOO DHAWAADA BOGGA FOOLOW

    • Magacaygu waa Cabdirshid Cabdi Muuse, waxaana aan ku faraxsanahay inaan bahda jecel internetka,si niyadsami leh ugu bishaareeyo boggan cusub ee ku soo biiray saaxadda internetka. Waxaan dhamman akhristayaasha sharafta leh ugu baaqayaa inay soo booqdaan oo ay dhexmushaaxaan boggan qeybihiisa kala duwan, anigoo si aad ah ugu rajoweyn inay kala kulmi doonaan waxyaabo badan oo cajabgeliya. Waxaan boggan ku soo bandhigi doonaa, haddii Ilaahay ka raalli noqdo, arrimo idin xiisogalya oo ay ka mid yihiin: wararka caalamka, dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dalkeenni hooyo, macluumaad guud iyo duruus aad u qiimo badan oo ku saabsan barashada diinta Islaamka.

    • Sida idiinka muuqata, boggu waa qabyo oo dhismo ayaa ku socda. Haddii aad xoogaa samir ah yeelataan, waxaan rajaynayaa in goor dhow aad ka bogan doontaan macluumaadka uu xambaarsan yahay boggan. Fadlan, haddii ay jiraan wax aad igu dhaliilaysaan ama talo aad igu biirinaysaan, aad baan u soo dhaweynayaaye, iigu soo qora bogga talo-bixinta oo aad ka heli doontaan boggan dhexdiisa.

    • Gacmo furan ayaan mar kale idin soo dhaweynayaa.Marti hayska dhigina ee nin walbow taagtaa tallaabso oo yaan faraskaaga laga badin. Ugu dambayntii, waa walaalkiin C/rashid oo idin leh: Isma-dhaafno igu soo biira!...wasalaama calaykum!

      -Mahadsanidiin.

      /Cabdirashid/

      .


  • Waxaa tahay booqdaha lambarkiisu yahay:
    13
    ilaa bishii Aug.98.

    Saacadda maxalliga ahi imminka waa:
    15:01


    Fadlan, haddii aad damacdo inaad ila soo xiriirto, isoo dir dhambaal, adiga oo adeegsanaya E-mailkayga hoos ka muuqda.

    Mahadsanid.


    Ku noqo billowga bogga | Idil94@hotmail.com